Xeerka Xog Asturida ee Sandaqadaha Dhanka Sharcigaee Minnesota

Waa aad ku mahadsan tahay doorashada aad dooratay inaad isticmaasho Sandaqada Sharciga. Xeerkan xog asturida waxa uu quseeyaa cid walba oo isticmaasha Sandaqada Sharciga. Waxa aan si taxadar leh u tixgelinay ilaalinta magacaaga iyo asturida xogtaada mar walba oo ay suurtagal tahay anagooog in aad dooran karto inaad isticmaasho Sandaqada Sharciga si ay kaaga caawiso cilmi-baaris ama soo aruurin khayraadyo ku saabsan arrimo ku haysta.

Waxa aan ku dheeri gelinaa isticmaalayaashu inaykaliya u isticmaalaan Sandaqada Sharciga ujeedooyinka loogu talagalay, sidda cilmi-baaris ku saabsan arrimo dhanka sharciga, helida iyo codsiga caawimaaddhanka sharciga ah, ka qaybgelida kulano dhanka sharciga ah iyo horukacyadda kiisaska iyo ka shaqeynta amuuro dhanka sharciga ah.  Waxa aan ku talinaa in isticmaalayaashu ayiska ilaaliyaan gelida bugcadaha, shabakadaha (website) ama adeegyadda aan laxiriirin hawsha inta ay isticmaalayaan Sandaqada dhanka Sharciga ah. Sameynta taasi waxa ay yareysaa khatarta in iyadoon lagu talagalin akhbaar shakhsiyankaah la daba-galo.

Xeerka Xog Asturida Kolkala Isticmaalayo Sandaqada Sharciyadda

Qaybtan Sandaqadda dhanka Sharciyadda ahi waxa ay ka hadashaa xog asturidaada iyo macluumaadkaaga kolka aad isticmaalayso qayb kasta oo ka mid ah Sandaqada Sharciga, oo ay ku jiraan waxyaabaha sidda eegida ama diyaarinta dukumiintiyo, daabicida ama is-kaangaraynta waxyaabo,  ka qaybgalka shirarka fiidyowyadda, iyadoola  isticmaalayo il-mariyaha shabakaddasi loo booqdo wax shabakad ah, iyo siddii kale ee aad u isticmaasho Sandaqadda Dhanka Sharciga.


Ciddee iska lehmacluumaadkan maxaanse u soo aruurinaa?

Gargaarka dhanka Sharciyadda ee Gobolka ayaa leh mulkiyadda  habaysana macluumaadka aad na siiso kolka aad isticmaasho Sandaqada dhanka  Sharciga.   Waxa aan aruurinaa macluumaadka noocyadan soo socda ah:  

  • adeegsiyadda aad isticmaasho oo ay ku jiraan isticmaalida adeegyo bixiyeyaasha
  • shabakadaha aad booqato
  • kalmadaha baaritaanka ee aad isticmaasho kolkaaad wax baarayso
  • ciwaanadda wixii dukumiinti ah ee aad la soo baxdo (download), diyaariso, ama aad daabacdo oo ay ku jiraan foomamka dhanka sharciga.

Marmar  dhif iyo naadir ah, ayaa waxaa dhici karta inaan duubno shaashadaha ama aan qabano xarakaadka  isticmaalka shaashadaha si aan u turxaan bixino wixii cilad farsamo ah ama carqaldaha gala wax qabadka  Sandaqadaha Sharciga.  Kolka aad booqato shabakadaha kale (websites) ama aad isticmaasho adeegyo anaan anagu lahayn, shabakadahaas iyo adeegyadaasiwaxaa dhici karta  inay dabagalaan aynaisticmaalaan macluumaadkaaga. Mas’uul kama nihin sidda shabakadahaa iyoadeegsiyadaasi ay u isticmaalaan macluumaadkaaga, sidoo kalena mas’uul kamanihin waxa ku jira ama habdhaqanka xog asturida ee shabakadahaa iyo adeegsigooda. Fadlan akhri xeerarkayaga xog asturida ee ku saabsan qolyaha-sedexaad shabakadahooda iyo adeegyadooda ka hor inta aadan bixin wax akhbaar ah oo shakhsiyan ah.  

 

Waxaa aanu u hogaansanaa sharciyadda iyo maqooridaha quseeya arrintan ee ah kolka Sandaqada dhanka Sharciga ah la martigeliyo si loo ilaaliyo xaquuqdaadda, xog-asturida, amaanka ama hanti aad leedahay, ama anuga ama cid kale leedahay.    

Waxyaabaha anaan aruurin?

Sandaqadda Sharcigu ma daba-gasho  magacyadda isticmaalayaasha (usernames) amaerayada baaqa ah (passwords). Waxa aan isku daynaa inaan qarino  dhamaan macluumaadka anagoo kusalaynayna  fadhiyadda. Kalmadda‘qarinta’ macnaheedu waa akhbaarta looma aqoonsan karo mid qof leeyahay. Inkastoo aan isku dayno inaan ka dhigno macluumaadka oo dhan kuwa qarsoodi ah,waxaa suurtagal noqon karta in la garto wuxuun faahfaahin ah oo adiga kugusaabsan oo laga ogaan karo isticmaalidaadda Sandaqada dhanka Sharciga, haddiiaad booqato baraha bulshadda ama bogag kale oo gaar loo leeyahay.

Saqadayadda Sharcigu si ogaan ah amakas ugama aruuriso akhbaar caruurta. Haddii aad tahay waalid ama mas’uul ilmood aadnaaaminsan tahay in Sandaqadayadda Sharcigu ay aruurisay akhbaar shakhsiyan ah ooku saabsan ilmahaaga, fadlan nalgala soo xiriir barta (contact us). Wax badan oo arintaa ah kaogow barta (protecting your child's privacy online).

Haddiiaad qabto su’aalo kale ama aad hayso faallooyin ku saabsan xeerkan ama aaddoonayso inaad ogaato wax badan oo ku saabsan sidda Gargaarka Adeegyadda dhankaSharciga ee gobolku uu u soo aruuriyo uuna u isticmaalo akhbaarta, fadlannagala soo xiriir barta contact us.

Ciddee ayaan la wadaagnaamacluumaadka?

Isticmaalka aad isticmaalayso Sandaqadan dhanka Sharciga waxa aad noogu ogolaanaysaa anagu inaan siiso macluumaadkaagaqolyo-sedexaad oo adeegyo bixiya  sidda, Teramind, DeepFreeze Faronics, Technology by Design, iyo A2J Tech. Qolyahaa adeegyadda bixiyaa waxa ay naga caawiyaan inaan soo aruurino aana hayno akhbaarta isticmaalida, aan bixino gargaar macmiladayda aan siino, hagaajino isticmaalida Sandaqadaha, aana kororsano garasho-dheer oo ah sidda iyo inta goor ee Sandaqadaha dhanka Sharciga loo isticmaalo.

Macluumaadkan la wadaagayo waxaa ku jiri kara, laakiinaan ku wada koobnayn, mid walba oo ka mid ah noocyadaa macluumaadka ah ee korlagu xusay. Qolyaha-sedexaad, aaladahooda, adeegyadooda iyo iskaashiyadoodu waxaa dhici karta inay leeyihiin xeerar xog-asturid ah oo u gaar ah iyaga.Mas’uul kama nihin xeerarkooda iyo hanaanadooda aruurinta, qaar ka mid ah xeerarkoodana waxa aad ka heli kartaa halkan:  

Waxa aan la wadaagnaa macluumaad jamac guud ah oo ku saabsan isticmaalka Sandaqadadhanka Sharciga maal-geliyeyaal mustaqbalka  iyo kuwa iminka jira, ururradda deegaanka eegargaaradda sharciga (legal aid), ururo laga yaabo inay hayaan rugta  hawshan iyo kuwa iminka jira oo saa sameeyaiyo iskaashiyadda gargaaradda dhanka sharciga iyo bahda farsamooyinka ee  gargaaradda sharciga.

Ma gadno  mana uisticmaalno macluumaadkaaga inaan adiga wax kaaga gadno. Waxaa dhici kartainaan u isticmaalno macluumaad si uu nooga caawiyo inaan ogaano sidda ugufiican ee aan u hirgelin karno adeegyadayadda.


Xidhiidhada

Goobtaheena waxa ay ku jiraan xiriirro goobaha Haddii aad riix mid ka mid ah xiriirkaas, waxaad la qaaday goobaha aan ma gacan. Siyaasadan ma qaban dhaqanka macluumaadka ee bogooyinka kale.

Amaanka Internetka

Internetka ma aha 100% ammaan. Waxaan ballan karno in websitkan ay si guud ahaan ammaan. Isticmaalin ka isticmaalo Internetka!

Cusbooneysiinta

Waxti iyo waqti waxaan bedeli karnaa habaankeena gaarsiinta ama siyaasadeena. Haddii ay jiro isbedel, noqadii ugu dambeeyay ee siyaasadeena waxaa laga dhigay boggan.

Su'aalaha ku saabsan siyaasadan

Haddii aad haystaan wax su'aal ama walaac ah oo ku saabsan Siyaasadda Privacy ama ururka xogta iyo isticmaalkeena, fadlan naga soo xiriir.

Cusoo cusboonayay: 04/08/2025

Xeerka Xog AsturidaShabakadaha (Website) Sandaqadaha dhanka Sharciga ee Minnesota

Qaybtan Xeerka Xog Asturidu waxa ay sharaxdaa sidda aanu dabagalno una isticmaalno macluumaadkaaga kolka aad gasho shabakada  mn.legalkiosks.com.

Aruurinta Macluumaadka iyo Aaladaha Dabagalka

Gargaaradda Adeegyadda Dhanka Sharciyadda ee Gobolku waxa ay isticmaalaan aaladdo qolyo-sedexaad leeyihiin sidda, Google Analytics iyo Plausible si ay udabagalaan sidda aad u adeegsato shabakadda (website) mn.legalkiosks.com. Mid walba oo aaladahaa ahi waxaa maamula Heshiisyo Adeeg iyo xeerar xog asturid oo iyada u gaar ah, kuwaa oo ka duwanaan kara kuwa aan anagu leenahay. Waxa aad ka heli kartaa xeerarka xog-asturida iyo heshiisyadda  ku taxaluqa  aaladahaa mareegahan (link)  soo socota:

Akhbaarta aan Aruurino

Waxa aan aruurinaa akhbaar qarsoon oo ku saabsan sidda ay dadku u isticmaalaan shabakadayada (website) iyadoo la adeegsanayo aaladdo dabagal sameeya. Kalmadda ‘qarsooniddu’ manaheedu waa akhbaarta looma aqoonsan karo mid qof leeyahay oo kale. Waxa aanu qaadnaa talaabooyin aan ku ilaalino aana ku kormeerno macluumaadka qarsoon si aan u hubino inay ahaadaan kuwa aan ogaan.

Shabakadda (website) mn.legalkiosks.com ma dabagasho magacyadda isticmaalayaasha (usernames) ama erayada baaqa ah (passwords). Hase yeeshee, waxaa dhici karta in qaar ka mid ah isticmaalka macluumaadku ay kashifto wax dhex-marid bogag cid walbaa geli karto, sidda, bugcadaha baraha bulshadda iyo bogagga kale ee shakhsiyanka ah. Wixii macluumaad ah ee la aruuriyo waxaa loogu talagalay inayqarsoodaan, waxa ayna ku salaysan yihiin fadhiyadda, macnaha, shakhsiyaadkaist icmaalayaasha ah laguma kashifo macluumaadka cidda ay yihiin.

 

Shabakada(website) mn.legalkiosks.com si ogaan ah ama kas ugama aruuriso akhbaar caruurta. Haddii aad tahay waalidama mas’uul ilmood aadna aaminsan tahay in Shabakada (website) ay aruurisay akhbaar shakhsiyan ah oo ku saabsan ilmahaaga, fadlan nagala soo xiriir barta (contact us). Wax badan oo arintanilaalinta xogta ilmahaaga ee khadka kaogow barta protecting your child's privacy online.

 

Haddiiaad qabto su’aalo kale ama aad hayso faallooyin ku saabsan xeerkan ama aaddoonayso inaad ogaato wax badan oo ku saabsan sidda Gargaarka Adeegyadda dhanka Sharciga ee Gobolku uu u soo aruuriyo uuna u isticmaalo akhbaarta, fadlan nagala soo xiriir barta contact us.

Sidda aan u IsticmaalnoAkhbaarta Aan Aruurino

Macluumaadka aan aruurino waxaa loo isticmaalaa kaliya uun hagaajinta Sandaqada Sharciga iyoin lagu hubiyo in Sandaqada Sharciga loo isticmaalo ujeedooyinkii loogu talagalay. Akhbaarta la soo aruuriyaa waxa ay naga caawisaa inaan hubino hawlgalka wacan iyo amaanka Sandaqada Sharciga. Waxaan kaloo u isticmaalnaa akhbaarta aan soo aruurino inaan ku qiimeyno docaha wax u socdaan aana ku hagaajino shabakadda Sanqadaha Sharciga.

Xiriiridda Shabakadaha (Website) Kale

Shabakadayaddu (website) waxa ay fidisaa ku xiritaano shabakado (website) kale oo badan. Mas’uul kama nihin waxa ku jira shabakadahaa ama habdhaqanka xog-asturida ee shabakadahaa kale. Fadlan akhri xeerka xog-asturida ee qolyahaa-sedexaad ka hor inta aadan bixin wax akhbaar oo shakhiyan ah.

Su’aalaha Ama FaallooyinkaKu Saabsan Xeerkan

Haddii aad qabto wax su’aalo ama faalo ah oo ku saabsan xeerkan ama aad doonayso inaad wax badan ka ogaato sidda Gargaaradda Adeegyadda Dhanka Sharciga ee Gobolku ay u aruuriyaan una istcimaalaana akhbaartaada,fadlan, nalaga soo xiriir barta, contact us.

Amaanka Internetka

Internetka ma aha 100% ammaan. Waxaan ballan karno in websitkan ay si guud ahaan ammaan. Isticmaalin ka isticmaalo Internetka!

Cusbooneysiinta

Waxti iyo waqti waxaan bedeli karnaa habaankeena gaarsiinta ama siyaasadeena. Haddii ay jiro isbedel, noqadii ugu dambeeyay ee siyaasadeena waxaa laga dhigay boggan.

Su'aalaha ku saabsan siyaasadan

Haddii aad haystaan wax su'aal ama walaac ah oo ku saabsan Siyaasadda Privacy ama ururka xogta iyo isticmaalkeena, fadlan naga soo xiriir.

Cusoo cusboonayay: 04/08/2025